Waa maxay qoys (Family)?
Qoyska waxa lagu qeexaa in ay yihiin Aabbo, Hooyo iyo ilmohooda kuwaasi oo hal meel kuwada nool amase meela kala duwan ku kala nool. Qoysku waxa ka koobnaan karaan sida aan kor kusoo xusnay waalidka oo ah Aabaha iyo hooyada iyo Ubadka oo ah ilmaha ay iska dhaleen labadoodu.
Sidoo kale qoyska waxa lagu qeexaa in ay yihiin labo iyo inkabadan oo dad ah kuwaasi oo xiriir guur mideeyey hal hoy wada degan, wada shaqayn iyo isdhexgal ka yimid dawrkooda bulsha ahaaneed ka dhexeeyo.
![]() |
Sawirkani waxa uu muujinayaa xubnaha qoysku ay ka koobanyihiin. |
Qoyska marka laga eego tiradooda waxa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah qosys ballaaran iyo qoys kooban. Qoyska ballaarini waa marka aabuhu uu guursado laba ama ka badan oo dumar ah, sidoo kale uu leeyahay koox ilma ah oo kala hooyo ah. tusaale nin baa waxa uu guursaday labo dumar ah mid walbaayina waxa ay u dhashay shan ama ka badan oo carruur ah qoyskaas ayaa la yiraahdaa waa qoys ballaaran .
Qoyska koobani keliya waa Aabaha, hooyada iyo ilmaha ay isu dhaleen, xittaa haddii qoyskaasi ilmo badan ay haystaan qoyskaasi weli waa qoys kooban, sababtoo ah waa keliya waxa ay ka kooban yihiin aabaha, hooyada iyo ilmahooda.
Innaga ka Soomaali ahaan qoyska iyo qaraabada ayaa iska keen dhexgalay, qoysku waa midka aan kor uga hadalnay oo keliya halka qaraabadu aytahay, eeddooyinka, adeerada, ilma adeerta, iyo wixii la halmaala. qoys marka laga dhawaajiyo badanaa qofka Soomaaliga ah waxa maskaxdiisa kuso dhacaysa qaraabadiisa iyo qabiilkiisa oo dhan, waana sababta loo dhaho Soomaalidu waxa ay ku wanaagsanyihiin qaraaba xiriirinta, guryaha qoysaskeena waxa kuwada nool badanaa qoyska, qaraabada iyo weliba rixinka oo ah qaraabada dhinaca hooyada ka timaada.
Marka la eego dhaqankeena Soomaaliyeed qoyska shaqdu way ukala qaybsanayd, maadaama aynu nahay dad asalkoodu reer guuraayahay hooyadu wxa ay ahayd qofka ugu shaqada badan qoyska waxana ay qaban jirtey shaqooyinka ugu muhiimsan sida in ay agabka aqalka lagu dhisayo samayso ama dayactirto, in ay aqalka dhisto ama ay furfurto xilliyada reerku guurayaan, lisida ariga iyo raacidooda haddii qoyska ilmihiisu aysan weli korin, karinta cuntada, iyo xannaanaynta iyo jahaynta ilmaha.
shaqada AAbuhu waxa ay ahayd in uu sahan tago watiyada roobku da'o, in uu raaco geela ama Awrta reerku rartaan, in uu sameeyo ama dayactiro hogaamada iyo dabarka awrta lagu xiro, in uu oodo xerada marka reerku xero cusub dego, in uu arooriyo xoolaha amase uu dhaansho oo reerka biyhii ay cabbilahayeen u dhaansho.
W/Q M.GEEDi
No comments:
Post a Comment